Thursday, September 3, 2015

Dhismaha AirporkaBosaso

Sawirro: Halkee ayuu maraya Dhismaha Airporka Boosaaso.

October 6, 2014 - Written by editor
IMG_6262Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Garoomada iyo Duulista hawada sare ee Puntland Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr oo shir Jaraa’id ku Qabtay Garoonka diyaaradaha ee Bosaso ayaa sheegay in Qaybtii u horraysay Shaqaalaha Shirkadda Shiinayska (CCECC)  ee Dhisayska Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso ay soo Gaaray Shalay Magaaladda Bosaso.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in howladaneeda soo Gaaray oo ka kooban 4 Xubnood oo ah Madaxdii Mashruuca Dhismaha Garoonka ee Shirkadda ay gogolxaar u yihiin imaashaha shirkadda, iyagoo u diyaarinaya Goobihii ay degi lahaayeen, soo dejinta Qalabka lagu dhisayo Garoonka iyo dhammaan waxyaabaha ay u baahan yihiin.

“ ………Afartii Nin oo u saraysay Dhismaha Mashruuca Garoonka  ayaa timid, oo howsha fulin lahayd, Waa ninkii Mashruuca  Madaxda ka ahaa, Labo Injineer iyo Xisaabiye, Waxaana gabagabo marayo Dhismayaashii ay degi lahaayeen shaqaalaha Shirkadda Shiinaysa ee dhisay garoonka…….” ayuu yiri

Agaasimaha Wasaarada Duulista Puntland Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr
Agaasimaha Guud Waxaa kaloo uu sheegay in Markabkii waday Qalabkii iyo Agabkii loo Adeegsan lahaan dhismaha Garoonka Bosaso uu Dekeda Bosaso ku soo xirayn 10 Maalmood gudahood, islamarkaana uu hadda si rasmi ah u bilowday Mashruucii Dhismaha Garoonka diyaaradah ee Magaalada Bosaso.

Agaasimaha Guud, Waxaa uu Xusay in Wasaaradda Garoomada iyo Duulistu ee Puntland ay Masuul dowladda uga tahay u fududaynta, Hagida, caawinta iyo Amniga Shaqaalaha iyo Qalabka Shirkadda Shiinaysaka ee Dhisaysa Garoonka Diyaaaradaha Bosaso.

Gees kale, Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso Bashiir Muuse Cabdiraxman ayaa ugu bishaareeyay Bulshadda Reer puntland in bishan aynu ku jirno ee October 2014, uu si rasmi ah u bilaaban doono dhismaha garoonka Bosaso oo muddo dheer la sugayay.

Arrinti si kastaba ha ahaatee, Dhismaha Garoonka Bossaso ayaa filayaa in dhismihihiisu qaato muddo 11 Bilood ah, iyadoo la filayo Sanadka dambe dhammaadkiisa in Diyaaradaha waaweyni inay ka duulaan, islamarkaana kus oo degaan.

Sawirro:-

IMG_6264 IMG_6265 IMG_6266 IMG_6271 IMG_6272 IMG_6273 IMG_6274 IMG_6275 IMG_6276 IMG_6277 IMG_6279 IMG_6282 IMG_6283 IMG_6305

No comments:

Post a Comment